Laascanood (Raxanreeb ) Waxgaradka gobolada Sool , Sanaag iyo Cayn ayaa sheegay in talaabo wanaagsan ay tahay in Ciidanka Somaliland ay ka baxaan deegaanada ay ka sugan yihiin goboladaas.
Hadalkan ayaa yimid ka dib markii Golaha Ammaanka fadhi uu yeeshay ku sheegay in Somaliland looga baahan yahay in si deg deg ah ay ugala baxdo ciidankeeda Sool Sanaag iyo Cayn.
“Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada in ay si degdeg ah ku gaaraan heshiis xabbad joojin ah, waxaana ku boorineynaa wadahadal loo dhan yahay ‘’ ayaa lagu yiri warka soo baxay Golaha amaanka
War ka soo baxay garadada , SSC ayaa lagu sheegay in warka ka soo baxay Golaha amaanka uu muujinayo sida aduunyada ay ugu xun tahay weerarka gardadarada ah ee lagu soo qaaday Khaatumo.
Intaas waxa ay ku dareen in ay adkaynayaan warka Golaha amaanka ee la xiriira in deegaanka uu noqdo mid colaada ka caagan aaga dagaalkan la baabiyo oo Somaliland dib ay ugu laabato deegaanadeeda
Colaadda Laasacaanood oo socotay afartii bilood ee la soo dhaafay ayaa waxaa ku dhintay boqolaal qof, halka kumannaan kale ay ku barakaceen.
Leave a Reply