Israa’iil ma waxaa ka dhamaan raba gantaalihii difaaca hawada?

Israa’iil ma waxaa ka dhamaan raba gantaalihii difaaca hawada?

Washington (Raxanreeb) — Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa kaalmo lacageed oo uu doonayo in hubka difaaca ee hawada israa’iil lagu xoojiyo ka raadinaya gudaha dawladiisa.

Aqalka congress ka ayuu doonayaa inuu codsi u diro si ay u aqbalaan helista lacagtaan.

Waxaa la filayaa inuu lacag dhan 104 bilyan oo doolar uu waydiisto aqalku inay ansixiyaan, taas oo Israel iyo Ukraine uu ka siin doono balaayiin lacag ah.

“Waxaan rabnaa inaan hubino in nidaamka difaaca hawada ee Israa’iil uusan marnaba is dhimin,” ayuu yiri madaxweyne Biden.

Hubka ka hortagga madaafiicda ay soo tuuraan Xamaas ee loo yaqaano Iron Dome ayaa laga yaabaa inuu gabaabsi noqdo hadii dagaalku sii daba dheeraado.

“Waa inaan hubino in Isra’iil ay hesho waxay u baahan tahay si ay u ilaaliso dadkeeda” ayuu hadalkiisa ku daray madaxweyne Biden.

Sida ay qoreen mareegaha ka faalooda nidaamka difaaca hawada, halkii gantaal ee nidaamkaan iron dome wuxuu qiime ahaan joogaa $60,000 oo doolar, halka batariyada halkii saldhig ee nidaamka difaaca hawada uu joogo ku dhawaad $50 milyan oo doolar.