Muqdisho (Raxanreeb) — Degmada Luuq ee Gobolka Gedo Dowlad-Goboleedka Jubbaland waxaa ka da’ay roob xooggan oo saameyn taban ku reebay qoysaska barakacayaasha ee aanay heysan gabbaad ay ka galaan dhinicda roobkaas iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin in ay isaga muusaan daadadka.
Qaar kamid ah qoysaska barakacayaasha ah ayaa sheegay in isu socodka xaafadaha qaar uu go’ay kaddib markii biyo badan oo xareedda roobka Dayrta ah ay isugu tageen marinadii ay marayeen Dadkaan sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah qoysaskaan.
Waxa ay dalbadeen in lala garab istaago sidii ay u heli lahaayeen goobaha ka fog meelaha roobka halistiisu gaari karto ama dareenka xooggan laga muujinayo si ay naftooda u badbaadistaan waa sida ay sheegeen.
Mas’uuliyiin katirsan maamulka Degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in ay wax u qabanayaan Shacabkaan intii awooddoodu la eg tahay maadaama xaddiga dhaqaalaha dadkaan lagu gacansiinayo uu ka sarreeyo.
Sannadihii lasoo dhaafay ayaa jirtay Abaaro baahsan kuwaas oo ku dhuftay gobollada dalka oo intooda badan galaaftay nolosha bini’aadam iyo xoolo sida glGeela Ariga Lo’da oo ku nafwaayay, inkabdan 20k oo carruur ayay galaafatay abaartaasi halka kumannaan kun oo xoolana ay dhinteen.