Adis Ababa (Raxanreeb )- Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay muhiim u aragto in ay hesho badda cas si ay u adeegsato – maadama aysan haysan wax bad ah.
Waxa ay sheegtay in ay ka digayso Itoobiya in laga hor yimaado damaceeda helida Badda cas.
Intaas waxa ay ku dartay dowladda Itoobiya in cid kasta oo ka hortimaada rabitaankeeda ay u aragto , arrin khatar ku ah ‘amniga qaranka’,
Hadalkan waxaa warbaahinta u sheegay agaasimaha fulinta ee machadka arrimaha dibadda Itoobiya, Jacfar Bedru.
“Itoobiya waxay qayb ka tahay Badda Cas, waxayna si istiraatijiyadeed ku tiirsan tahay marinkan muhiimka ah ee ganacsiga adduunka.” Ayuu markale yiri Jacfar Bedru.
Itoobiya ayaa doonaysa inay marin ganacsi iyo saldhig ciidanka badda ah ka hesho badda cas, kaddib heshiis ay la gashay Somaliland , bishii koowaad ee sannadkan , kaa oo aan la dhaqangelin.
Leave a Reply