Itoobiya oo eedeyn culus ujeedisay Soomaaliya

Itoobiya oo eedeyn culus ujeedisay Soomaaliya

Addis Ababa (Raxanreeb) — Dowladda Ethiopia ayaa eedeyn culus u jeedisay dowladda Federaalka Soomaaliya, xilli ay ka dhex aloosan tahay xiisadda badda oo ayadu hoos u dhigtay xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal, kadib heshiiskii maamulka Somaliland, iyo Itoobiya ku galeen Addis Ababa.

Taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya, Birhanu Jula, oo wareysi siiyay warbaahinta EBC ayaa dowladda Soomaaliya, ku eedeeyay inay dafirtay wanaaggii Itoobiya u sameeysay isagoo ku andacoonaya in ciidamadooda naftooda u huraan nabadeenyta Soomaaliya.

Birhanu, ayaa yiri “Dowladda Soomaaliya way dafirtay wanaagii aan u samaynay Soomaaliya, halka shacabka Soomaaliya ay u mahad-celinayaan ciidamada Ethiopia,” .

Taliye Jula, ayaa sidoo kale sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay garawsanyihiin nafhurnimada ciidamada Itoobiya, si ay Soomaaliya, uga noolaato nabad waa sida uu hadalka u dhigay Birhanu.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada ATMS, dalka ka baxaan Dowladda Soomaaliya, sii fadhin doonin caasimadda Muqdisho.

“Berri hadday ciidamada Itoobiya ka baxaan Soomaaliya uma malaynayo in dowladda Soomaaliya ay fadhiyayso Muqdisho,” ayuu yiri mar kale.

Hadalka taliyaha ciidamada guud ee Itoobiya, Birhanu Jula, ayaa kusoo aadaya xilli ay taagan tahay xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya, taasoo ku saleysan Badda, taas oo dhowaan maamulka Somaliland, ay heshiis is-afgarad ah, ku gaareen Itoobiya Addis Ababa, kaas oo si xooggan uga falceliyeen dhammaam shacabka Soomaaliyeed.