Ciidanka DFS oo ka baxay deegaano hore looga saaray AS & CABSI jirta.

Ciidanka DFS oo ka baxay deegaano hore looga saaray AS & CABSI jirta.

Mudug (Raxanreeb )- Ciidanka Dowladda Dowladda  Soomaaliya iyo kooxaha deegaanka  ayaa isaga baxay deegaano muhiim ah oo ay hore ugu  saareen kooxda Al – Shabaab ee gobolka Mudug.

Ilaa  iyo hadda lama oga sababta soo dedejisay in ciidanka ay baneeyaan deegaano si dirqi ah ay ugu saareen kooxda Al- Shabaab.

Maanta  oo Isniin ah ciidanka ayaa ka baxay si aan la ogayn magaalada Bacaadweyn ee gobolka Mudug  halkaas oo ay ku xoganayeen ciidanka Soomaaliya.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in cabsi badan ay ka qabaan in halkaas ay dib ula wareegaan kooxda Al- Shabaab oo mar halkaas ku xooganayd.

Ciidanka isaga baxay magaalada Bacaadweyn ayaa la sheegay in ay  isugu tageen aagga deegaanka Laas-gacameey oo katirsan koonfurta gobolka Mudug.

Ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ayaa horey uga baxay deegaannada Caad iyo Camaar , waxaana deegaanadaasi la sheegay in ay dib ugu laabteen kooxda Al Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.