Itoobiya oo ka hadashay diyaaradii laga celiyay Hargeysa

Itoobiya oo ka hadashay diyaaradii laga celiyay Hargeysa

Addis Ababa (Raxanreeb) — Itoobiya, oo xaqiijisay in hawada Soomaaliya laga celiyay diyaarad ka soo degi lahayd garoonka diyaaradaha Hargeysa, iyadoo maamulka Somaliland, ay isku dayeen inay beeniyaan arrintan.

Maamulaha shirkadda Ethiopia Airline Mesfin Tasew, oo waraysi siiyay laanta Af-Amxaariga ee idaacadda BBC ayaa xaqiijiyey in dib loo celiyey diyaaradaasi oo ay iska laheyd shirkadda Ethiopia Airlines.

Sidoo kale waxa uu sheegay in diyaaraddan oo duulimaad lambarkeedu ahaa ET372, aysan ogolaansho ka haysan Dowladda Soomaaliya, taasi oo keentay in ay dib ugu laabato Addis Ababa, ka dib markii Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya, ay ka celisay hawada.

Mesfin Tasew, ma uusan faah faahin rakaabkii saarnaa diyaaraddan oo la sheegay inay ahayd VIP, haddana Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys, ayaa BBC-da laanta Af-ka Soomaaliga, u sheegay in diyaaradda ay la socdeen saraakiil sar sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya, islamarkaana loo diiday inay gasho Hargeysa.

Wada hadal kaddib, diyaaraddu waxay sii wadatay safarkeeda meel aan la shaacin, sida uu BBC-da u sheegay Mesfin Tasew.

Sidoo kale hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed, maareeyaha Axmed Macallin, ayaa saakay xaqiijisay celinta diyaaraddan, isaga oo sheegtay in aanay ogolaan doonin in diyaarad aan ruqsad haysani soo gasho dhamaan xuduudaha hawo ee waddanka.

“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay maanta hawada Jamhuuriyadda Soomaaliya ka celisay diyaarad ay leedahay shirkadsa Ethiopian Airlines, oo ku socotay Hargeysa, kadib markii ay cadaatay in aanay diyaaradaasi haysan wax fasax ah oo ay ku isticmaasho hawada Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay hay’addaasi.

“Si waafaqsan shuruucda caalamiga ee hawada iyo kuwa Soomaaliya ee SOMCARS, duulimaadyadu waa inay fasax (ruqsad) ka haystaan waddamada ay hawadooda marayaan iyo kuwa ay ku dagayaan kahor inta aanay soo duulin.” ayaa lagu yiri mar kale qoraalka kasoo baxay Hay’adda Socdaalka.

Hasa yeeshee arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli maamulka Somaliland, Itoobiya la galeen heshiis is afgarad ahaa oo Itoobiya badda Soomaaliya 20km isku weer lagu siinaayo, taasoo Soomaaliya, ay aad uga carootay.