Shir looga hadlayo Soomaaliya & Itoobiya oo ka furmaya Kampala.

Shir looga hadlayo Soomaaliya & Itoobiya oo ka furmaya Kampala.

Kampala (Raxanreeb ) Maanta oo khamiis ah waxa magaalada Kampala ee dalka Uganda ka furmaya shir ay ka qayb galayaan madaxda urur goboleedka IGAD kaas oo looga hadlayo arrimaha Soomaaluya iyo Itoobiya.

Inta uu socdo shirkan waxaa lagu soo hadal qaadi doonaa sidoo kale xiisada ka jira Suudaan halkaas oo dagaalka ka socda dad badan ku dhinteen , ku dhaawacmeen ku barakeen .

Dowladda Itoobiya ayaa dhankeeda aan ka qeyb galeyn shirkan deg dega ah ay isugu imaanayaan madaxda IGAD, waxa ayna Itoobiya qoraal ay soo saartay uga cudur daaratay in ay shirkaasi ka qeyb gasho.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo uu ka mid yahay Ra’isul Wasaare ku xigeenka xukuumadda Saalax Jaamac ayaa ku sugan magaalada Kampala.

Shirka ayaana la filayaa in laga soo saaro go’aanno lagu taageerayo madax-bannaanimada Soomaaliya , sidoo kale looga soo horjeedo heshiis beenaadkii ay wada galeen dowladda Itoobiya iyo maamulka Somaliland.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka carootay is-afgaradkii ay Itoobiya la gashay Somaliland. Is-afgaradka ayaa dhigayey in Somaliland ay dhul dhan 20km oo bad ah ka kirayso Itoobiya, taa beddelkeedna ay Itoobiya aqoonsato Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published.