Muqdisho (Raxanreeb ) Senator Cabdullaahi Ismaaciil Fartaagg oo maanta magaalada Muqdisho kula hadlayay warbaahinta ayaa si kulul uga hadlay , afduubka Kenya loogu haysto maalmo badan Cabdirashiid Janaan.
Waxa uu sheegay Fartaag in ay walwalsan yihiin xaaladda hadda uu ku sugan Cabdirashiid Janaan oo laga kaxaystay Hotel ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Fartaag ayaa farriin u diray dowladda Kenya, isaga oo ka codsaday inay si deg-deg ah usoo dayso Janan oo haatan xaaladdiisa walaac xoogan laga muujinayo, maadaama la waayay.
Xildhibaanka waxa uu hoosta ka xariiqay Fartaag in sida ugu dhaqsiyaha badan Dowladda Kenya jawaab ay ka bixiso sababaha wali loo haysto Janaan oo ka mid ah siyaasiinta Gedo.
Sidoo kale wuxuu ka dalbaday dowladda Kenya inay Janan kusoo wareejiso dowladda Soomaaliya, kadibna ay caddeyso waxa ay ku haysato, si looga gar baxo.
Si kasta Cabdirashiid Janaan ayaa in mudda ah waxa lagu waysan yahay Kenya , halkaas oo uu ka waday Olole isbedel loogu sameynayo maamulka Jubbaland.
Leave a Reply