Jabuuti ( Raxareeb Online) Madaxweynaha Soomaaliland Cabdiraxmaan Cirro, ayaa la kulmay diblumaasiyiinta safaaradda Itoobiya ee dalka Jabuuti, inta uu ku sugnaa dalkaasi.
Madaxweyne Cirro, ayaa si gaar ah ula kulmay danjire ku-xigeenka safaaradda Itoobiya ee dalka Jabuuti Kebede Aber, waxa ayna kawada hadleyn amniga Badda Cas iyo marinada Ganacsiga.
Danjire ku-xigeenka ayaa hoosta ka xariiqay inay diyaar u tahay Itoobiya inay xoojiso xiriirka diblumaasiyadeed ee Somaliland, ayna sidoo kale xoojin doonaan iskaashiga amniga iyo ganacsiga.
Kulankan ayaa ku soo beegmaya xili dhowaan dowladda Itoobiya ay ka laabatay heshiiskii badda ay la gashay Somaliland sannadkii 2024-tii, kaddib cadaadis uga yimid dowladda federaalka Soomaaliya.
Sikastaba, Itoobiya ayaa damaceeda ugu weyn waxa uu yahay inay hesho bad si ay ugu soo marto badeecada uga timaada dalalka Caalamka.
Leave a Reply