James Swan oo ka hadlay safarada faraha badan ee MD Xasan

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, ayaa warbixin dheer golaha ammaanka ka siiyay xaalada Soomaaliya .
James Swan ayaa ku baaqay in wax laga qabto xaalada hadda ku sugan tahay Soomaaliya ay ka taagan abaar baahsan iyo amni daro saamayn ku yeelatay geedi socodka nabadda Soomaliya.

Hadalka ayuu sheegay Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya intii uu socday Shirka golaha amaanka kaas oo diirada lagu saaray arrimaha Soomaaliya.

Waxa uu James Swan uu soo hadal qaaday safarada Madaxwaynaha Soomaaliya uu ku tagay dalal badan oo caalamka ah isagoo xusay in socdaladaas ay ahaayeen kuwa lagu wanaajinayay xiriirka Soomaaliya la leedahay waddamada dariska.

”Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu booqashooyin badan oo dibadda ah ku tagay dalalka deriska ah iyo kuwa bah-wadaagga kale oo muhiim ah oo dano laba geesood ah kala dhexeeyaan ” ayuu yiri Mr Swan.

waxa uu sidoo kale sheegay in uu soo dhawaynayo qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xaqiijinayso xiriirka dalalka deriska.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday ammaanka dalka, isaga oo shaaciyey in dowladda cusub ay muhiimadda ugu weyn siisay amniga iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.