Muqdisho (Raxanreeb )- Xog hayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa wakiilkiisa gaarka ah ee Soomaaliya u magacaabay James Swan, oo ah diblomaasi u dhashay dalka Mareykanka.
Waxa uu xilkan u sii hayn doonaa si kumeel gaar ah sida magacaabidda ku xusan.
Mr Swan ayaa sidoo kale loo xushay inuu noqdo madaxa xafiiska qaramada Midoobay ee ka howl gala Soomaaliya.
James Swan kuma cusbo Soomaaliya oo waxaa uu horey u soo noqoday wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.
James Swan ayaa ah diblomaasi khabiir ah oo aqoon durugsan u leh siyaasadaha Afrika, wuxuuna hore u soo noqday wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, intii u dhexeysay 2019 illaa 2022.
Ka hor, wuxuu sidoo kale u soo noqday Danjiraha Maraykanka u fadhiya Jamhuuriyadda dimoqraadiga ah ee Congo, intii u dhexeysay 2013 illaa 2016, isaga oo sidoo kale soo noqday wakiilka gaarka ah ee dawladda Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya intii u dhexeysay 2011 illaa 2013
Raxanreeb/BBC.
Leave a Reply