Jeesow oo shaaciyay halis Al-Shabaab ku saabsan

Jeesow oo shaaciyay halis Al-Shabaab ku saabsan

Muqdisho (Raxanreeb) — Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa ugu horreyn taageero u muujiyay madaxweynaha dowladda federaalka oo isugu hoggaaminayo dagaalkan oo jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay haddii aan la garab istaagin madaxweynaha, inta uusan dhammaanin muddo xileedkiisa ay suuragal tahay inuu dalka u gacan galo Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweynaha waan u hambalyeynaa fikir fiican ayuu qabtay, haddii madaxweyne Xasan muddo xileedkiisa aanan Al-Shabaab laga saarin dalka, iyaga ayuu gacanta u galaa, waa wax aan aaminsanahay” ayuu yiri Jeesow, kadib wareysi uu siiyay Telefishinka Somali Cable.

Waxaa kale oo uu ku baaqay in la garab istaago madaxweynaha iyo ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee haatan dagaalka adag kula jiro Al-Shabaab, si ayaga looga adkaado.

“Madaxweynaha hala garab istaago, ciidanka hala garab istaago, haloo hambalyeeyo, hala dhiirageliyo” ayuu mar kale yiri xildhibaanku.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in xildhibaanada baarlamaanka oo fasax galay, looga baahan yahay inay ayaguna qaataan doorkooda, ayna tegaan jiida hore ee dagaalka.

“Farriinta aan diraayo waxaa waayay xildhibaanada Soomaaliyeed waa in furumaha la tegaa oo la dhiirageliyaa ciidanka geesiyaasha ah” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan guullo laga soo hooyay howlgallada ka socda Galmudug iyo HirShabelle oo dhul badan loooga qabsaday Al-Shabaab.