Labo carruur oo laga af-dubtay Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb) — Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa afduub xalay laba caruur ah loogu geystay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho.

Dhacdadan ayaa si gaar ah uga dhacday Kaamka Cali Dheere oo ku yaallo xaafadda Jaamacadaha ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kadib markii ay koox hubeysan oo watay gaari Surf ah ay laba carruur ah ka wateen halkaasi, kadibna ay la baxsadeen.

Muno Muxudiin Maxamed oo la dhalatay mid kamid ah wiilashada la afduubtay ayaa sheegtay in walaalkeed Saciid oo 10 jir ahaa laga watay bannaanka xaafadda, waxayna sheegtay in gaariga lagu qaatay yy taargo la’aan ah ayna la socdeen saddex nin, oo uu mid kamid ah xirnaa dareeska ciidanka dowladda, isla-markaana uu hubeysnaa qoray AK47 ah.

“Xalay Maqribkii waxaa la watay walaalkeyga sanadkiisa waa 10 jir laamiga siliga, gaar ahaan Jaamacadda akteeda ayaa laga watay, isaga iyo wiil kale oo yariis ah. Waxaa wateen mid ciidan ah oo usoo dagtay oo dharka ciidanka wato iyo laba kaleeto oo funaanado ciyaartoy ah watay, gaari Surf ah oo taargo la’aan ah ayey ku wateen,” ayey tiri Muno.

Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in ilmaha ay iyadu heysay,maadaam ay Hooyadood dhimatay, sidoo kalena Aabaha uu ka maqnaa guriga, xilliga uu dhacayey afduubka.

“Hooyo way dhimataym Aabaheyna maba joogin, xalana la raadinaayey war dhan lagama haayo,” ayey ku dartay Muno Muxudiin Maxamed.

Dhinaca kale wiilka la afduubtay eedadiis oo lagu magacaabo Farxiyo Maxamed ayaa farriin u dirtay dadka Soomaaliyeed iyo madaxweynaha oo ay ka dalbatay in lala raadiyo ilmaha.

“Madaxweynaha iyo walaalaheyga Soomaaliyeed wiilkaas yar hooyadiisa waa dhimatay waxaan ka codsanayaa si naxariis leh inay noogu soo celiyaan,” ayey tiri Farxiyo Maxamed

Waxaa kale oo ay intaasi kusii dartay in illaa iyo hadda aysan helin wax raad ah oo ku aadan ilmaha la afduubtay, isla-markaana ay weli baadi goobayaan.

“Waa u dhibanahay xalay ma seexanin waxaan ka imaaday Tareedisho walaalahey hadda waa maqan yihiin meel loo raacana malaha,” ayeyey hadalkeeda kusoo gabagabeysay.