Kismaayo ( Raxanreeb Online) Maamulada Puntland iyo Jubbaland, ayaa kazoo horjeestay go’aankii golaha wasiirrada ee xukuumadda Soomaaliya ee lagu baabi’iyay heshiisyadii horay loola dowladda Imaaraatka Carabta laguna amray in ay isaga baxaan dekadaha Boosaaso, Berbera iyo Kismaayo.
Jubbaland iyo Puntland, ayaa sheegay in aysan dhaqan galeynin go’aanka dowladda federaalka kazoo baxay ee ka dhanka ah Imaaraatka, waxa ayna tilmaameen in ay iyaga heshiisyo gooni ah la galeen.
Labada maamul ayaa ku dooday in dastuurka maamuladooda uu xaq u siisayay heshiisyadaas, isla markaana waxa ay ku xoojiyeen qodobo kamid ah dastuurka kumeel gaarka ah, oo ay shegeen in uu meesha ka saarayo tallaabada ay dowladda ku eriday Imaaraatka Carabta.
Bayaanka soo baxay labada maamul ayey dowladda federaalka, ku eedeyeen inay ka gaabisay howlihii la doodanayay, isla markaana dalka ay ku wado burbur.
Maamulada Puntland iyo Jubbaland, ayaa horay uga gaabsaday ka hadalka faragelinta Israa’iil ay ku sameeysay midnimada iyo wadajirka Jamhuriyadda Soomaaliya, kaddib markii Israa’iil ay aqoonsatay Somaliland.

Leave a Reply