Jubbaland oo billowday abaabul ka dhan ah Al-Shabaab

Maamul goboleedka Jubbaland ayaa waxa ka billowday abaabul ka dhan ah howlgal lagu ciribtirayo Ururka Al-Shabaab ee ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland kuwaasi oo ay doonayaaan inay kula wareegaan deegaannada ay gacanta ku haayaan Al-Shabaab.

Saraakiisha ciidamada Dowladda ee degaannada maamulka jubbaland ayaa xusay inay u diyaar garoobeen howlgalka ayna billaaban doonaan maalmaha soo aadan, waxa ay xuseen in si la mida maamullada kale ay Al-Shabaab uga xoreyn doonaan deegaannada goballada Jubbooyinka.

Taliyaha qeybta 43aad ee ciidanka xooga dalka Jeneraal Cali Maxamed Maxamuud Bogmadoow oo ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah maamulka Jubbaland ayaa waxa uu xusay in maalmahaan ay wadeen diyaar garowgii ugu dambeyay ee howlgalkan ka dhanka Ururka Al-Shabaab.

Tan iyo bishii August, waxaa socda howlgallo ka dhan ah, Ururka Al-Shabaab kuwaa oo markii hore ka billowday gobolka Hiiraan oo haatan dhammaan deegaannada laga saaray Al-Shabaab.

Sidoo kale gobollada Shabeellaha Dhexe ayuu sidoo kale ka socdaa howlgallada dhanka kale deegaannada Galgaduud asne uu ka socdo howlgallo ka dhan ah, Al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.