Nairobi (Raxanreeb ) Warbaahinta dalka Kenya ayaa shaacisay in tiradii ugu badnayd ay ku geeriyooday shil gaar oo ka dhacay dalkaas , waxaana jira dad kale oo ku dhaawacmay.
In ka badan 50 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen shilka gaari ee ka dhacay magaalada lagu magacaabo Magaalada Londiani ee dhacda Galbeedka dalkaas.
Muuqaallada laga soo duubay goobta uu shilka ka dhacay oo Warbaahinta baahisay waxaa ka muuqday baaxadda shilkaas uu gaarsiisan yahay iyada oo goobta lagu arkay Gawaari burbur xooggan soo gaaray iyo dhiig badan oo waddada daadsan.
Dad badan oo waxyeello kasoo gaartay shilka ayaa la geeyay Goobaha Caafimaadka si looga daweeyo dhaawacyada ka muuqda iyo kuwa qarsoon ee u baahan in la hubiyo si haddii uu jab jiro loo kabo sida uu sheegay qof kamid ah dadka goobjoogga u ahaa dhacdadaan.
Taliyaha booliiska gobolka, Tom Odera ayaa sheegay in dhimashadu ay mareyso 48 fiidnimadii Jimcaha.
Laanqeyrta cas ee Kenya ayaa sheegtay in gaarigan xamuulka ah uu jiiray in ka badan lix baabuur, islamarkaana uu dilay dad lugeynayay, waxayna intaas ku dartay in inka badan 20 dhaawac ah ayaa sidoo kale loo qaaday isbitaallada deegaanka.
Leave a Reply