KENYA ‘’lacag badan ayaa nooga baxday dagaalka Al-Shabaab ‘’

KENYA ‘’lacag badan ayaa nooga baxday dagaalka Al-Shabaab ‘’

Nairobi (Raxanreeb ) Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Kenya ayaa sheegtay in malaayiin lacag ah ay ku bixineyso la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab, kadib War rasmi ah oo ka soo baxay maanta.

Wasaaradda arrimaha gudaha Kenya ayaa sheegtay inay shacabka iyo maamullada gobollada waqooyiga ee dalka Kenya ay ku heshiiyeen iskaashi buuxa oo looga hortagaayo weerarrada argagixiso ee Al-Shabaab ay ka geystaan gudaha dalkaas.

“Xadka ayaa la furayaa, seddax jeer ayaan la kulmay madaxweynaha Kenya waxaan kala hadlay in la furo isku socodka shacabka labada dal, nabad geliyada Kenya waxaa la sugi karaa markii xuduuda la furo, sidoo kale wasiirka difaaca Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa iga balan qaaday in la furi doono xuduuda labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya,” ayuu yiri Xildhibaan Faarax Macalin oo ka tirsan baarlamaanka Kenya.

Sidoo kale waxay wasaaraddu sheegtay in 1-da bisha soo socota ee July dib loo furi doono xarunta qaadashada baasaboorka Kenya ee ku taalla magaalada Gaarisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.