Garoowe (Raxanreeb ) Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka ayaa maanta ka degan ka dib markii shalay ay ka dhaceen rabashado salka ku haya wax ka bedelka Dastuurka , waxaana rabashadahaas sababeen dhimasho iyo dhaawac.
Waxa magaaalada ka socda , dadaalo lagu doonayo in lagu xasiliyo magaalada Garoowe isla markaana la qaado ciidanka ka soo horjeeda Saciid Deni ee ku sugan meelo ka mid ah magaalada .
Sidoo kale waxaa haatan soconayo dadaallo ay wadaan waxgaradka deegaanka iyo siyaasiyiin kasoo jeeda Puntland, si xal looga gaaro dagaalkii ka dhacay Garoowe.
Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in saaka jawiga uu xasilan yahay, isla-markaana uu istaagay dagaalkii ka socday xaafadaha qaar ee magaalada Garoowe.
Dadka rayidka ee ilaa hadda ee ku nafwaayey dagaalka ayaa gaaraya 7 qof, waxaa ku dhaawacmey 10 kale, sidoo kale labada ciidan ayaa la qiyaasayaa in ay isaga geeriyoodeen in ka badan 20 askeri oo ay ku jiraan saraakiil ciidan.
Baaqyada nabadeed ee loo dirayo madaxda maamulka Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa sii kordhaya, waxaana muuqata in dhinacyada is haya dhagaha ka fureesteen baaqyada nabadeed ee loo dirayo.
Leave a Reply