Nairobi (Raxanreeb) — Kenya, oo Soomaaliya raalli gelisay kaddib senetor ka tirsan aqalka Kenya, qoraal uu bartiisa X ku qoray muran badan ka dhaliyay.
Senetor kan, ayaa ku sheegay qoraalka uu soo dhigay bartiisa X ee horay loo dhihi jiray Twitter, in uu kulan la yeeshay saraakiil ka socotay Somaliland, sidoo kalena uu kala hadlay sidii loo billaabi lahaa duulimaadyo Nairobi Hargeysa ah.
Wasaraadda Arrimaha Dibedda, ee Kenya ayaa soo saartay qoraal raalli gelin ah, isla markaana ay sheegtay in midnimada Soomaaliya ay taageereyso, ayna aqoonsan tahay Soomaaliya inay tahay hal Dal.
Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Keenya ayaa qoraalkiisa ku sheegay in Somaliland, ay u aqoonsanyihiin maamul goboleed ka tirsan Soomaaliya.
Sidoo kalena qoraalkiisa raalli gelin biixda uga siiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya isagoona sheegay siyaasadda Kenya in ay raacsan tahay aqoonsashada Qaramada Midoobay midnimada Soomaaliya.
Xoghayaha ayaa faah faahin buuxda ka bixiyay xafiiska Somaliland, ay ku leedahay dalka Kenya kaas oo uu ku sheegay in uu san ahayn safaarad uu yahay xafiis ka shaqeeya ganacsiga ka dhaxeeya Somaliland iyo Kenya.
Barta X, qoraalka uu soo dhigay Senator ka ayaa laga saaray taasoo Dowladda Soomaaliya, ay dhibsatay islamarkaana baarlamaanka Kenya lagu yiri in aysan soo fara gelin karin siyaasadda Arrimaha Dibedda Kenya aysana awood buuxda u lahayn.
Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa horey iskaga casilay xilkii safiirnimo ee DFS uga haayay dalka Kenya sidoo kale Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa maalmo kaddib u magawacday safiir cusub musharrax madaxweyne, Jabriil Ibraahim Cabdulle.