Khasaare  ka dhashay weerar qaraxyo ku bilowday oo ka dhacay Sh. Dhexe

Khasaare  ka dhashay weerar qaraxyo ku bilowday oo ka dhacay Sh. Dhexe

Balcad (Raxanreeb) Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal ciidanka Dowladda Federaalka & kooxda Al- Shabaab ku dhaxmaray deeganka Ruun- Nirgood ee Shabeelaha Dhexe.

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaalkaas lagu jabiyay kooxda Al- Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in dagaal labada dhinac ay ku dhinteen sida ay hadalka u dhigeen xubno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ay arkeen dhimashada  ilaa shan qof oo labada dhinac ah , oo Dowladda iyo kooxda Al- Shabaab.

Deegaanka Ruun- Nirgood ayaa ka mid ah deegaanada sanadaha badan ay maamulayeen kooxda Al- Shabaab waxaana marar badan ka dhacay dagaal dhimasho iyo dhaawac gaystay.

Al- Shabaab ayaa deegaankaas kol hore waxa ay ku qaadeen weerar ku bilowday qaraxyada , halkaas oo ay ku dhinteen saraakiil ka tirsan Dowladda  Federaalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.