KHILAAF  ka dhax Jira Madaxwaynaha Galmudug & ku xigeenkiisa

KHILAAF  ka dhax Jira Madaxwaynaha Galmudug & ku xigeenkiisa

Dhuusmareeb (Raxanreeb ) Dhuusmareeb waxaa ka taagan khilaaf ka dhashay xil ka qaadis uu Madaxwayne ku xigeenka Galmudug Cali Ciid uu ku sameeyay wasiirka arrimaha gudaha maamulkaas Cabdi Maxamed Jaamac waayeel.

‘’Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa shaqadi ka joojiyay Wasiirka Arimaha Gudaha Galmudug ka dib markii uu Xagal daaciyay Dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabaab ‘’ ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Cali Ciid.

Talabadan oo dhalisay hadal – hayn badan ayaa durbadiiba waxaa jawaab ka bixiyay Madaxwaynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo waxba kama jiraan ku tilmaamay warka Cali Ciid

Madaxwaynaha waxa uu sheegay in ku xigeenkiisa uusan awood u lahayn in shaqada uu ka joojiyo wasiirka arrimaha gudaha maamulka.

“Tallaabadan ayaa gabi ahaanba kasoo horjeeda Dastuurka Galmudug, lidna ku ah awoodaha Dastuurku siinayo madaxweyne ku xigeenka Dowladda Galmudug” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtoyada Galmudug.

Leave a Reply

Your email address will not be published.