Khubaro cadeysay in kooxda ISIS ay sameysteen ayna isticmaaleen hub Kimiko ah

Khubaro cadeysay in kooxda ISIS ay sameysteen ayna isticmaaleen hub Kimiko ah

Muqdisho (Raxanreeb) — Khubarada Qaramada Midoobay ayaa xaqiijiyay jiritaanka cadaymo muujinaya adeegsiga hubka Kiimikada oo ay adeegsadeen kooxdii la magac-baxday dowladda Islaamka ee maamuli jirtay deegaano ka tirsan Ciraaq intii u dhaxeysay sanadihii 2014 iyo 2019.

Warbixinta , khubarada ayaa lagu sheegay in ISIS “ay samaysay oo ay soo saartay gantaallo, hoobiye kiimiko, rasaas kiimika ka smaeysan baasuukayaal, madaxyo kimiko, iyo qalab kiimiko ah oo kuwa qarxa.”

Baarayaasha waxay xooga saareen baaridda weerar ka dhacay magaalada Taza Khurmato ee dalka Ciraaq 8 March, 2016.

Waxay xaqiijiyeen inay ururiyeen “caddayn badan” oo ay ku jiraan “diiwaanka mushahaarka dagaalyahanadii ISIS iyo cadeymo kale”.

Warbixintu waxay ku nuuxnuuxsatay “dhibaatooyinka caafimaad ee wali haysta dadka deggan Taza Khurmato, taasi oo ay ka mid yihiin cudurrada daba-dheeraada, kansarka, iyo dhibaatooyinka la xiriira caafimaadka taranka.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.