Wakiilka midowga Afrika ee Soomaliya oo ballanqaad u sameyay dowladda Soomaaliya

Muqdisho (Raxanreeb) — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Wakiilka Gaarka ah ee Guddiga Midowga Afrika ahna madaxa ATMIS, Souef Mohamed El-Amine.

Sida lagu xusay qoraal ka soo baxay xafiiska rai’sul wasaaraha ayaa waxaa ay labada dhinac ka wadahadleen arrimaha amniga, dadaallada dib-u-xoreynta, iyo doorka ATMIS ee dagaalka lagula jiro Al-shabab.

Madaxa ATMIS, Souef Mohamed El-Amine ayaa ammaanay guulaha la taaban karo ee ciidanka xoogga dalka iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ay ka soo hooyeen dagaalka lagula jiro Al-shabab.

Waxaa uu si gaar ah farta ugu fiiqay guushii ugu dambeysay ee Shabab looga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe. Mr Souef ayaa ballan qaaday in ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ay dowladda Soomaaliya kala shaqeyn doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.