Koonfur Galbeed oo jawaab ka bixisay weerarkii Baydhabo

Koonfur Galbeed oo jawaab ka bixisay weerarkii Baydhabo

Baydhabo (Raxanreeb) — Maamulka Koonfur Galbeed, Soomaaliya, oo jawaab deg deg ah, ka bixiyay weerar adag oo kooxda Al-Shabaab, ku qaadeen magaalada Baydhabo, ee xarunta gobolka Baay, kaasoo dhaliyay khasaare kala duwan dhimasho iyo dhaawac ah.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo kuwa daraawiishta Koonfur Galbeed, oo is kaashanaya ayaa saakay howlgallo ka dhan ah, kooxda Al-Shabaab, ee ku sugan nawaaxiga Baydhabo ku qaaday.

Saraakiisha hoggaamineysay dagaalka ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, ayna dhowaan warbaahinta usoo bandhigi doonaan xubnahaasi, nolosha lagu qabtay.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgalkooda ka dhanka ah, kooxda Al-Shabaab, kaas oo haatan ka socda duleedka nagaalada Baydhabo.

Dowladda Soomaaliya, oo warsaxaafadeed kasoo saartay dagaalkii shalay ayaa sheegtay in laga hortagay weerarka kooxda Al-Shabaab, kusoo qaadeen Baydhabo lagana dilay xubno ka tirsan dagaalyahannada kooxdaasi.

“Tiro khawaarijta katirsaneed ayaa xaley lagu laayey Duleedka Waqooyi ee Magaalada Baydhabo Kadib markii ay isku dayeen inay soo weeraraan xaro Ciidanka Daraawishta Koofurgalbeed ay daganaayeen. Ciidanka oo kawarheley dhaqarta khawaarijta ayaa fashiliyey weerarka khawaarijta” ayaa lagu yiri qoraalka Dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale kooxda Al-Shabaab, ayaa guulo xooggan ka sheegtay sidoo kalena sheegay inay dhammaan cagta mariyeen saldhigga ay weerareen ayna dileen inkabadan 5 askari.

Kooxda ayaa intaasi ku dartay in ay qabsadeen saanad ciidan oo xerada ka qaateen kuwaas oo deggenaa ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Dagaallada ma ahan mid ku cusub deegaannadaasi, horey ayay Al-Shabaab, iyo kuwa Dowladda ku dagaallameen agagaarka magaalada Baydhabo.

Al-Shaabab, ayaa go’doomin ku haya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, muddo sannado ah, halkaasi oo mararka qaar waddooyinka gala Baydhabo, ay gaadiidka ka xannibaan.