Muqdisho (Raxanreeb ) Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaca ah uu dagaal ku dhaxmaray xaafado ka mid ah degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.
Dagaalkan maanta waxa uu ka dhacay Aargada Degmada Dayniile halkaas oo hub a isku adeegsadeen ciidanka Dowladda .
In ku dhaw seddax qof ayaa ku geeriyootay halka laba kalena ay ku dhaawacmeen kuwaas oo u badan dhinacyada ku dagaalamay maanta degmada.
Inta dagaalkan uu socday waxaa hakad galay gabi ahaan isu socodka gadiidka iyo dadka wadada Aargada oo ah muran muhiim ah oo aad loo adeegsado.
Hubka culus ee ay iswaydaarsanayeen ciidanka Dowladda ayaa gaaray meelo fog fog oo magaalada Muqdisho.
Saraakiisha Dowladda gaar ahaan kuwa degmada ma aysan ka hadal dagaalkan maanta ciidanka uu ku dhaxmaray degmada.
Dagaalka ayaa wararku sheegayaan in uu ka bilowday askari katirsan ciidanka milatariga oo qoray uu watay looga qaatay koontaroolka, askariga oo falkaasi ka carrooday ayaana soo watay gaari dagaal iyo ciidamo sidaasna goobta dagaalka uga bilowday.
Xaaladda hada waa ay degan tahay waxana goobta lagu dagaalamay ku sugan ciidanka Dowladda Soomaaliya.
Leave a Reply