Koox fallaago oo ka dagaalanta Chad ayaa xabsi daa’in lagu xukumay 441 qof oo lagu eedeeyay dilkii madaxweynihii hore Deby

N’Djamena (Raxanreeb) — Maxkamad ku taalla dalka Chad ayaa xabsi daa’in ku ridday in ka badan 400 oo fallaago ah oo lala xiriiriyay dilkii loo geystay madaxweynihii dalkaas Idiris Déby.

Idiris Déby ayaa bsihii April 2021-kii u dhintay dhaawacii kasoo gaaray dagaal ka dhan ahaa fallaagada oo ka dhacay waqooyiga Chad, wuxuu kamid ahaa madaxdii ugu mudada dheereyd ee xilka heysay qaaradda inka badan 30 sano.

Maxkamadeynta kooxda fallaagada (Fact) oo ka koobnaa 465 qof ayaa billaabatay bishii February maxkamad ay albaabada u xirnaayeen oo ku taalla caasimadda N’Djamena.

Waxaa lagu helay dambi la xiriira argagixiso, inay wiiqayeen amniga qaranka iyo inay halis galiyeen nolosha madaxweynaha iyo dambiyo kale.

Kooxda fallaagada (Fact) waxay ku tilmaantay maxkamadeynta ragga mid been ah oo aan waxbo ka jirin.

Mid kamid ah qareennada raggan ayaa sheegay in uu racfaan ka qaadan doono go’aanka maxkamadda.

Maxkamadeynta 465 xubnood oo ka tirsan jabhadda Front for Change and Concord ee Chad (FACT) ee fadhigeedu yahay Liibiya ayaa ka billaabatay 13-kii Febraayo magaalada caasimadda ah ee N’Djamena.

Rugta dambiyada ee maxkamada racfaanka ee N’Djamena ayaa Talaadadii ku heshay 441 eedaysane oo lagu helay falal argagixisanimo, kuwaas oo wax u dhimaya amniga qaranka iyo in ay halis galiyeen nolosha madaxa qaranka iyo eedo kale. Hoggaamiyaha FACT Mahamat Mahadi ayaa ka mid ahaa.

Waxaa lagu xukumay xabsi daa’in, waxayna noqon doonaan inay bixiyaan magdhowga gobolka, qareenkooda Francis Djokoulde ayaa yiri.