Ka –hadalka qabashada Ceelbuur ma dhamaato miyaa ?

Ka –hadalka qabashada Ceelbuur ma dhamaato miyaa ?

Dhuusmareeb (Raxanreeb ) Deegaano ka tirsan gobolad Mudug iyo Galgaduud waxaa ka soconaya ,dhaq- dhaqaaq lagu doonayo in Al- Shabaab loogu saaro degmada Ceelbuur ee gobolka galgaduud.

Ciidamo aad u  – fara badan ayaa la sheegayaa in  maamulka Galmudug uu ku diyaarinayo deegaano ka mid ah  gobolka galgaduud si ay u jabiyaan kooxda Al- Shabaab ee sanadaha ka talinaya degmada Ceelbuur.

Guddoomiyaha Degmada Ceelbuur, Nuur Xasan Guutaale ayaa sheegay in haatan ay diyaariyeen Ciidamo frabadan oo ay ku qabsanayaan degmadaasi.

Saraakiil ka tirsan  maamulka Galgaduud ayaa sheegay in ciidamadii ugu badnaa ay  ku diyaariyeen meel kaabiga ku haysa degmada Ceelbuur ee gobolka galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa sheegay in Al- Shabaab ay ka saareen inta badan deegaanada uu ka taliyo maamulkiisa keliya ay u harsan tahay degmada Ceelbuur .

Horay guluf ay horkacaysay Dowladda Soomaaliya ayaa la isku dayay kaasi oo lagula waregayo degmada Ceelbuur, balse lagu ma guuleysan.

Ururka Al-shabaab ayaa horey looga saaray deegaanno badan oo ka tirsan maamuladda Galmudug iyo Hirshabeelle.

Leave a Reply

Your email address will not be published.