Kooxaha Diimaha Kenya oo booqday kaniisad iyo masaajid la gubay xalay

Kooxaha Diimaha Kenya oo booqday kaniisad iyo masaajid la gubay xalay

Nairobi (Raxanreeb) — Golaha Diimaha ee Kenya ayaa booqday xaafadda isku raranta Kibra ee magaalada Nairobi halkaas oo habeenimadii Isniinta lagu gubay Kaniisad iyo dhismayaal madarasad oo ku yaallay Masaajid ku dheggan kaniisadda.

Ugu yaraan hal qof ayaa la dilay, waxaana sidoo kale la gubay guryo ku yaalla Kibra, iyadoo laga cabsi qabo in fowdadu ay isu beddesho rabshado qowmiyadeed.

Hoggaamiyaha mucaaradka dalka Kenya Raila Odinga ayaa ku eedeeyay dowladda in ay rabshado u beddeshay dibadbaxooda oo ahaa mid nabad ah.

Waxaa uu si kulul uga hadlay weerarkii lagu qaaday beer uu lahaa madaxwaynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta.

Raila ayaa carabka ku adkeeyay in dimuqraadiyadda Kenya la soo weeraray isla markaana dalka uu qarka u saaran yahay inay ka dhacdo musiibo.

“Waxaan aragnay in la weeraray hanti si gaar ah loo leeyahay, beerta madaxwaynihii hore ee dalka mudane Uhuru Kenyatta ayaa la weeraray,” ayuu yiri Odinga.

Booliiska ayaa mamnuucay dibadbaxyadan isla markaana ku tilmaamay kuwo sharci daro ah.

Xaaladda ayaa faraha ka baxday ka dib markii la weeraray beerta madaxweynihii hore, halka dab la qabad siiyay goobpo lagu cibaadeysto.

Warrarka ayaa sheegaya in dadka weeraray beerta Uhuru Kenyatta ay jareen geedihii ku yaallay beerta iyaga oo adeegsanayay miinshaar waxayna sidoo kale dhaceen xoolihii ku noolaa beerta oo u badnaa ido.