MUQDISHO  : Waxba iskama bedelin amniga bisha Ramadaan

MUQDISHO  : Waxba iskama bedelin amniga bisha Ramadaan

Muqdisho (Raxanreeb ) Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tan & markii la guda galay  bisha barakaysan ee Ramadaan xoojiyay – howlgalka ay ku doonayaan in ay ku sugaan amniga caasimadda.

Ciidanka  ku guulaystay , intii ay wadeen howlgaladan  in albaabado u laaban goobo badan oo lagu iibinayay waxyaabaha maanka dooriya isla markaana xabsiga dhigay dad badan oo eedaysanayaal ah.

Todobaadkan keliya ciidanka  Dowladda ayaa howlgalo qorshayn ka fuliyay degmooyinka caasimadda.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin kooxaha falalka amni ka gaysta magaalada Muqdisho , iyo  kuwo kale eek a ganacsada waxyaabaha maanka dooriya.

Magaalada Muqdisho waxaa si joogta ah uga dhacaya dhibaatada la xiriirta dilalka iyo qaraxyada ay fulinayaan  kooxda Al- Shabaab.

Inkastoo howlgalo ay ka socdaan caasimada bisha ramadaan hadana waxa aan wali muuqan wax ka qabashada amniga  magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.