Saraakiisha la shaqaynaysay Farmaajo oo beegsi lagu bilaabay

Saraakiisha la shaqaynaysay Farmaajo oo beegsi lagu bilaabay

Muqdisho (Raxanreeb ) Ciidanka tirsan Hay’adda NISA ayaa weerar ku qaaday guriga Taliyihii hore ee daba-galka Hay’adda NISA ee magaalada Muqdisho , isla markaana hoyga ka kaxaystay qaar ka mid ah ehalada Taliyaha Cabdullaahi Dheere.

Xiliga weerarka uu dhacayay Cabdullaahi Dheere ayaa ku maqnaa dalka dibadiisa , ilaa iyo haddan lama sheegin sabab rasmi ah oo keentay in weerarkaas lagu qaado Hoyga Cabdullaahi Dheere oo u shaqaynayay Hay’adda sanado badan.

Taliska Hay’adda NISA ayaa ka hadlin , ma aysan ka hadlin waxa ilaa iyo hadda ay u haystaan ehelada Taliyaha oo gurigiisa la weeraray isaga oo ka maqan , halkaas oo ay joogeen keliya ehalada iyo ilaalada.

Ma jirto lamana soo bandhigin qiil ku saabsan waxa keeni kara in la weeraro guri masuul u shaqeeyay qaranka oo dibada ku maqan , isla markaana laga qafaasho ehaladiisa & ilaaladiisa.

Cabdullaahi dheere ayaa hoggaanka daba- galka hayay intii uu xukunka joogay Madaxwaynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo , lama oga in loo beegsaday in maamulkii hore uu la soo shaqeeyay iyo in kale.

Weerarka guriga Taliyahii hoggaanka NISA Cabdullaahi dheere ayaa imaanaya iyadoo , dhawaan la meelmariyay sharciga Hay’adda damaanad qaadaya xuquuqda muwaadiniinta .

Leave a Reply

Your email address will not be published.