Kooxda AS oo weerar hoobiyaal ah ku qaaday ciidanka DFS ee Sh. Hoose.

Kooxda AS oo weerar hoobiyaal ah ku qaaday ciidanka DFS ee Sh. Hoose.

Muqdisho (Raxanreeb )- Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar kooxda Al- Shabaab ay ku qaadeen deegaano ka mid ah gobolka Shabeellaha hoose gaar ahaan meel ay ku sugnayeen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed sida ay sheegeen ilo xog- ogool ah oo halkaas ku sugan.

Sida wararka ay sheegayaan kooxda Al- Shabaab ayaa weerar hoobiyaal ah ku qaaday  deegaanka Sabiib ee kuyaalla gobolka Shabeelaha Hoose  halkaas oo marar badan ay ka dhaceen iska hor imaadyo cul- culus.

Ciidanka dowladda ee ku sugnaa xerada la weeraray ayaana si adag isaga difaacay weerarka ay kusoo qaadeen kooxda Al Shabaab, waxaana dagaal muddo socday kaddib Al Shabaab lagu qasbay in ay dib ugu laabtaan halkii ay kasoo weerar tageen.

Kooxda Al Shabaab ayaa sheegtay in weerarka ay ku qaadeen Sabiib ay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac ku gaarsiiyeen askar katirsanaa ciidanka xoogga dalka  sida ay ku sheegeen war ka soo baxay kooxda.

Dhinaca kale saraakiil katirsan ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in ciidamada ay iska difaaceen weerarkii ay soo qaadeen Al Shabaab, waxa ayna dhankooda sheegeen in Al Shabaab dagaalka lagu gaarsiiyay khasaarooyin.

Weerarada Al Shabaab ku qaadaan xeryaha ciidanka dowladda ee kuyaalla gobolka Shabeelaha Hoose ayaa muddooyinkan aad u yaraa, waxaana hadda soo muuqaneysa in Al Shabaab dib u bilaabayaan weeraradii ku dhufo oo ka dhaqaaq ahaa

Si kastaba Dowladda Federaalka ah Soomaaliya ayaa wada howlgalo ay ku doonayso in ay sugto amniga deegaanadii dagaalka uu ku dhaxmaray ciidanka dowladda iyo kooxda Al- Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.