Gaalkacyo (Raxanreeb Online) faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa maleeshiyaad hubeysan oo xalay magaalada Gaalkacyo ku dilay mid kamid ah dhaqaatiirka ka howlgal galeysay isbitaalada magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Alle hau naxariiste Dableyda hubeysan ayaa Dr Cumar Abdi Dahir (Surweyn ) waxayna u dileen Aano qabiil, sida dadka deegaanka ay inoo shebeen.
Sidoo kale dableydii dilka geystay ayaa la sheegay in ay isaga baxsadeen goobta, mana loga sabata ay dhaqtarka u beegsadeen.
Ilo wareedyo ayaa xaqiijiyay alle hau naxariistee Dr Cumar inusan xitaa Shaqa ku laheyn muranka iyo dagaal salka ku haayo arrimaha dhulka ee qabiilka ku saleysan.
Weli laamaha amniga ee magaalada Gaalkacayo, kama aysan hadlin dilka loo geystay Dr Cumar, mana jirto cid ay u soo qabteen falkaas.
wixii ku soo kordho warkan halkan kala soco.

Leave a Reply