Ilhaan Cumar oo diidday in ay tagto madal uu ka khubeynayo Madaxweynaha Israel

Ilhaan Cumar oo diidday in ay tagto madal uu ka khubeynayo Madaxweynaha Israel

Washington (Raxanreeb) — Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa Arbacadii ku dhawaaqday in ay qaadacday khudbadii madaxweyne Isaac Herzog uu ka jeedin lahaa kalfadhiga wadajirka ah ee Congress-ka Maraykanka todobaadka soo socda taas oo ay u badan tahay in ay ka dhalato ku dayasho ay sameeyaan xubnaha kale ee horusocodka ee xisbigeeda.

“Haba ka yaabin, sinaba ugama qayb galayo khudbadda kalfadhiga wadajirka ah ee uu jeedinayo Madaxweyne Dalkiisu i mamnuucay oo Rashida Tlaib-na u diiday inay xitaa aragto ayeydeed.” ayey Ilhan Cumar ku soo qortay boggeeda Twitter.

Herzog ayaa lagu wadaa inuu jeediyo khudbadda lagu xusayo sannad-guurada 75-aad ee Israa’iil Arbacada ka dib markii uu sannadkii hore casuumad ka helay afhayeenka aqalka ee xilligaas Nancy Pelosi, taasoo afhayeenka hadda Kevin McCarthy uu dib u soo saaray horaantii sanadkan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.