Kuma bedeli doono Biden haddii uu – guulaysan waayo sanadkan ?.

Kuma bedeli doono Biden haddii uu – guulaysan waayo sanadkan ?.

New York (Raxanreeb )- Doodii uu la galay dhawaan  Joe Biden madaxwaynihii isaga ka horeeyay ayaa la sheegayaa in ay aad u liidatay taas oo keentay suurtagalnimada inuu ka hari doono doorashada.

Dooda uu soo bandhigay Biden ayaa  ka nixisay  xisbiga Dimuqraadiga waxaana ay dhalisay dood ku saabsan cidda ku tartami karta booskiisa haddii uu ka tanaasulo.

Inkasta oo isbeddelka noocaas ah aan hadda la fileyn, haddana waxa uu abuuri doonaa dagaal fool xun ka dhex dhaca xisbiga Dimuqraadiga bilo ka hor codbixinta.

Haddaba waxaa jira siyaabo badan oo lagu bedeli karo Biden gudaha xisbiga, laakiin bilo kaliya ayaa ka haray codbixinta, fursadaha uu Biden ku bixin karo waa kuwo aad u yar.

Dimuqraadiyiinta ayaa muujiyay cabsida iyo shakiga laga qabo musharaxnimada Biden, taasoo dhalisay dood badan oo ku saabsan in 81-jirka uu yahay qofka saxda ah ee la tartami kara Trump bisha November.

Leave a Reply

Your email address will not be published.