Kurisgii uu banneeyay Xamsa Barre oo lagu guuleeystay

Kurisgii uu banneeyay Xamsa Barre oo lagu guuleeystay

Kismaayo (Raxanreeb) — Waxaa goordhaw magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ka dhacday doorashada kursigii xildhibaannimo uu banneeyay Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Kursigan oo tirsigiisu ahaa HOP203 ayaa doorashadiisa waxaa loo xiray musharax la sheegay in ay si gaar ah u wateen Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamse Barre iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Doorashada kursigan waxaa goordhaw ku guuleestay Xasan Hurre Ugaas oo qaab gacan taag ah loogu codeeyay, kaddib markii uu doorashada ka tanaasulay musharaxii kale ee la tartamayay Cabdullaahi Maxamed Cabd.

Guddiga doorashada heer federaal ayaana shaaciyay in doorashada kursiga uu horey ugu fadhiyay Xamsi Barre uu ku guuleestay Xasan Hurre Ugaas, oo la filayo in dhawwaan si rasmi ah loogu dhaariyo kamid noqoshada baarlamaanka Soomaaliya.

Doorashada kursigan ayaa noqoneysa kii labaad ee la qabto tan iyo dhismaha dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana dhawwaan la filayaa in iyana la qabto doorashada kursigii xildhibaanimo ee horey loogu diiday Fahad Yaasiin .