Da’ud Aways ‘’ In ka badan 200 oo Al- Shabaab la dilay ‘’

Muqdisho (Raxanreeb ) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in xubno ka tirsan kooxda Al- Shabaab ay – ku dileen howlgal gaar ah oo ka dhacay gobolada dalka.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa sheegay in hoggaamiyaal sar-sare oo kooxda ka tirsan Al- Shabaab.

Afar maamul goboleed ayuu sheegay Wasiirka in howlgallada laga sameeyey, kuwaas oo kala ah Jubbaland, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Galmudug.

“Guud ahaan howlgallada waddanka ka dhacay todobaadkii lasoo dhaafay waxaa Khawaarijta looga dilay in ka badan 200 oo qof,” ayuu yiri wasiir Da’ud Aways.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa sidoo kale sheegay Howlgallada todobaadkaan laga fuliyay guud ahaan dalka in Al-Shabaab looga dilay in ka bada 200 oo qof.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay sii socon doonaan howlgalada ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab ee ka socda meelo badan oo dalka ah, haddana ay muuqanayso sida uu yiri jabka kooxda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.