Kursigii uu baneeyay Mustaf Dhuxulow oo loo doortay Maxamed Cabdi Cali Faarax

Kursigii uu baneeyay Mustaf Dhuxulow oo loo doortay Maxamed Cabdi Cali Faarax

Dhuusmareeb (Raxanreeb )-Magaalada dhuusmareeb ee caasimada  Galmudug waxaa  maanta oo sabti ah lagu doortay xildhibaan Maxamed Cabdi Cali Faarax,

Kurisugan oo sumadiisa ay tahay HOP 049 Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliyeed waxaa banneeyay agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaha Mustaf Dhuxulow.

Doorashada xildhibaannimo  waxaa kula tartamaysay gabar , waxaana markii dambe soo baxay mudane Maxamed Cabdi Cali Faarax, oo ka mid noqon doona  xildibaanada Golaha shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanka cusub ee lagu doortay magaalada Dhuusomareeb , waxaa dhalay ganacsadaha caanka ah Cabdi Cali Faarax, kaa oo lagu xasuusto maraakiibtii uu dalka Yemen uga soo daabulay dadka Soomaaliyeed xilligii dalkaasi dagaalka sukeeye ka qarxay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.