Kuuriyada Woqooyi oo markii ugu horaysay ka hadashay asgarigii Maraykanka ahaa ee u dusey

Kuuriyada Woqooyi oo markii ugu horaysay ka hadashay asgarigii Maraykanka ahaa ee u dusey

Pyongyang (Raxanreeb) — Kuuriyada Waqooyi ayaa xaqiijisay in ay gacanta ku hayso Travis King, jawaabteedii ugu horreysay ee codsiyadii ku saabsanaa xogta halka uu ku sugan yahay askariga Mareykanka ah, sida uu sheegay taliska Qaramada Midoobay.

Askariga oo 23 jir ah ayaa 18-kii Luulyo kaligiis ka talaabay xudduudda Kuuriyada Koonfureed xilli uu ku jiray dalxiis la xadiday.

Taliska Qaramada Midoobay ayaa sheegay in aysan wax tafaasiil ah ka bixin doonin jawaabta Pyongyang xilligan. Waxa ay sheegtay “in aysan doonayn in ay farageliso dadaallada lagu soo celinayo askariga”.

Si kastaba ha ahaatee, jawaabtu waxay muujinaysaa in Pyongyang ay diyaar u tahay inay bilowdo wada xaajoodka. Taliska Qaramada Midoobay, oo ilaaliya Aagga ka caaggan milatariga (DMZ), ayaa raadiyay macluumaadka ku saabsan askariga oo lagu magacaabo King iyadoo la isticmaalayo khadka taleefanka ee tooska ah Ciidanka Waqooyiga Kuuriya [KPA] ee Aagga Amniga Wadajirka ah. “KPA waxay Taliska Qaramada Midoobey siisay jawaab ku saabsan askariga.

Kuuriyada Waqooyi ayaa horay u aqbashay codsiga balse tani waa markii ugu horreysay oo ay ka jawaabaan, iyagoo xaqiijinaya in askariga Mareykanka ah uu gacantooda ku jiro.