Dhuusmareeb (Raxanreeb ) Dowladda Soomaaliya ayaa doonaysa in ay qaado wajiga labaad ee howlgalka ay ku doonayso in ay ku jabiso kooxda Al- Shabaab ee gobolada dhexe.
Ciidamo fara badan ayaa la geeyay degmada Dhuusamareeb kuwaas oo la sheegay in ay horudhac u yihiin wajiga labaad ee howlgalkaas oo la sheegay in xitaa Xasan Sheekh uu sal dhigan doono Galgaduud.
Sid ay xogaha ay sheegayaan Xasan Sheekh ayay ahayd in mar hore uu gaaro degmada Dhuusmareeb hase ahaatee waxa uu culays uu kala kulmayaa beelaga gobolka Galgaduud.
Xogaha sida ay sheegayaan siyaasiinta iyo saraakiisha ka soo jeeda Degmada Ceelbuur ayaa sheegay in Xasan Sheekh ay hor dhigeen in hubka iyo saanada ciidan uu ku wareejiyo ciidanka beesha oo iyaga qayb ay ka qaadan doonaan howlgalka deegaanadooda.
Arinta saraakiisha ayaa daba socotay ka dib markii uu soo baxay warka ku saabsan in la Dowladda ay hubaysano ciidamo kale oo aan u dhalan deegaanka kuwaas oo ka qayb qaadanaya howlgalada.
Diidamada beeshan ay ka muujiyeen howlgalada lagu qabanayo Deegaanka Ceelbuur ayaa culays badan ku keentay Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Lama oga ilaa iyo hadda sida Xasan Sheekh u xal uga gaari karo arrimahan ka taagan deegaanada Galmudug ee la xiriirta hubka la siinayo beelaha ka qayb qaadanaya howlgalada.
Howlgalka Ceelbuur ayaa dhawr jeer uu hakad ugu yimid sabab la xiriirta culayska siyaasiinta iyo saraakiisha Deegaankaas ay saareeen Dowladda , xitaa mar ayaa jirtay in la doonayay in la go’doomiyo deegaanka oo Al- Shabaab haystaan hase ahaatee laga hor yimid.
Leave a Reply