Ciidamada Dowladda oo garab ka helaya kuwa Macawisley ayaa qabsaday deegaano katirsan Hiiraan

Jowhar (Raxanreeb) Ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee la magac baxay Macawiisleey oo weli howlgallo ka wada degaano katirsan gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay Maanta la wareegeen degaano kuyaalla Galbeedka Magaalada Beledweyne, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.

Howlgalka oo saakay aroortii soo billowday ayaa waxa ay ciidamada kula wareegeen degaannada Wajab, Camarjibiye, Lalaba iyo  Degaano kale oo dhanka Galbeedka Magaalada Beledweyne ugu beegan 70KM isla markaan u dhaw Degmada Ceelcali ee Gobolka Hiiraan.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa sheegay inay degaannadaas ay dagaal uga saareen Maanta Al-Shabaab, isla markaana ay guud ahaan xaqiijiyeen Amniga degaannadii ay la wareegeen.

Mas’uuliyiin katirsan dowlad Goboleedka HirShabeelle iyo Saraakiil katirsan ciidamada xoogga dalka ayaa ku sugan degaannada ay howlgallada ka socdaan ee Gobolka Hiiraan, waxana ay dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shabaab ka wadaan degaannada Ceelcadde iyo Ceel-Matoor oo sidaan oo kale Al-Shabaab looga Saaray Maalmo kahor.

Leave a Reply

Your email address will not be published.