Baydhabo ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Dowlad goboeedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa booqasho, dhiiragelin ugu tagay cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Dowladda Koonfur Galbeed, kuwaas oo loo diyaarinayo adkeynta amniga iyo ilaalinta dowladnimada koonfur galbeed.
Madaxweynaha ayaa adkeeyey in dowladdu ka go’an tahay taageeridda iyo tayeynta ciidamada, si ay u gutaan waajibaadkooda qaran ee ku aaddan difaaca dalka, ilaalinta dowladnimada, iyo ciribtirka kooxaha nabad-diidka ah.
Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Koonfur Galbeed ay ku xoojinayso amniga, dib u dhiska hay’adaha dowliga ah, iyo sugidda nabadda shacabka ku dhaqan deegaannada Koonfur Galbee

Leave a Reply