‘’Lama xalin khilaafka Gedo , duulimaadka keliya la fasaxay ‘’

‘’Lama xalin khilaafka Gedo , duulimaadka keliya la fasaxay ‘’

Muqdisho (Raxanreeb ) Dib waxaa u  furmay  duulimaadyadii rayidka ee tagi jiray  degmooyin ka  mid ah gobolka Gedo ka dib  dadaalo ay sameeyeen siyaasiin ka soo jeeda gobolkaas.

In kabadan toddobaad ayey duulimaadyadu hakad ku jireen taasoo uu sabab u ahayd khilaaf horay u jiray.

Dadka maanta ka duulay gobolka gedo waxay u badnaayeen dad xujey ahaa oo ku xayirnaa gobolka iyo dad xanuunsanaa oo loo dhoofinayay Muqdisho.

Maamulka gobolka Gedo ayaa sheegay in wali uu jiro , khilaafka maamulka kala dhaxeeya maamulka Axmed Madoobe , isla markaana ogolaan doonin in  garbaha loo qaabto.

Waxaa soo faragaliyay xaaladda gobolka Gedo Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo ku guul-daraysatay in gobolkaas uu geeyo , xubno ka mid ah maamuka Jubbaland.

Diyaaradaha ayaa loo ogolaaday in duulimaadkooda ay  ku tagi karaan deegaano ka mid ah gobolka Gedo , isla markaana la qaaday xayiraad saarnayd oo saamayn ku yeelatay dadka degaanka.

Gedo waxaa tan iyo 2019-kii ka taagan khilaaf u dhexeeya siyaasiyiinta gobolkaas iyo maamulka Jubaland ee uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Leave a Reply

Your email address will not be published.