LUUQ goobaha ganacsiga dib loo furay & xaaladda oo degan.

LUUQ goobaha ganacsiga dib loo furay & xaaladda oo degan.

Luuq (Raxanreeb )-Raxanreeb wararka  ay ka helayso degmada  Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in xaaladda degmadaas maanta ay tahay mid degan ka dib dagaal halkaas ka dhacay.

Sida wararka la helayo ay sheegayaan waxaa socda dadaalo xooggan oo lagu doonayo in lagu dejiyo xiisadda oo ay wadaan Odayaasha degmada.

Labada maleeshiyo beeleed ayaa la kala qaaday waxaana  magaalada dib u furmay goobaha ganacsiga magaalada oo dagaalka ay ku xirmeen.

In ka badan 15-qof oo u badnaa dhinacyadii dagaallamay ayaa shalay ku dhintay dagaalkii ka dhacay Luuq, waxaa sidoo kale dhaawacyada dad badan qaarkood la geeyay degmooyin kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published.