Maamulka gobolka Banaadir oo sheegay in dib loo billaabayo cansuurta guryaha

Muqdisho (Raxanreeb) — Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ayaa sheegay in ay dib u bilaabayaan qaadista Canshuuraha Guryaha taas oo la joojiyay dhammaadka sanadkii hore ee 2022-ka.

Afhayeenka Gobolka Banaadir Saalax Dheere oo Warsaxaafadeedka ka soo baxay Dowladda Hoose ee Xamar la wadaagay Warbaahinta ayaa sheegay in Milkiilayaasha guryaha Caasimadda ku yaala iyo daaraha lagu wargalinaya wixii ka bilowda maanta in dib loo bilaabay qaadista Canshuuraha guryaha.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu ka codsanaya Milkiilayaasha Guryaha in ay si dhaw ula shaqeeyaan laamaha qaabilsan qaadista Canshuuraha guryaha, iyada oo la maraya Nidaamka maaliyadeed ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Dhanka kale Afhayeenka Gobolka Banaadir Saalax Dheere ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ugu baaqay milkiilayaasha iska leh guryaha burbursan ee ku yaala faras magaalaha, in ay dib u dhisaan si bilicda Caasimadda dib loogu soo celsha lana tartanto Caasimadaha Caalamka.

Maamulka Cusub ee Dowladda Hoose ee Xamar kaas uu Hormuud u yahay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa wada dadaalo dib loogu dhisa Caasimadda; iyada oo Bilowga todobaadkaan la soo gabagabeeyay shirka banbax Maamulka Gobolka kaas oo diiradda lagu saarayay howlaha hortabinta u leh Maamulka sanadka 2023-ka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.