Maamulka Gobolka Hiiraan oo ku baxay dagaal Beeleed kajira Degmada Feerfeer iyo xogo laga helay

Maamulka Gobolka Hiiraan oo ku baxay dagaal Beeleed kajira Degmada Feerfeer iyo xogo laga helay

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hir-Shabeelle Muuse Salaad wehliye oo ay wehliyaan wasiir dowlaha Cadaalada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Gobalka Hiiraan oo  safar shaqo ku Joogay  Degmada Feer-feer Soomaaliya si xal rasmi ah loogu helo Colaad beeleed waayahaan ka taagneyd deegaan-ka Midaas oo xal hordhac ah laga gaaray si loo helo Jawi nabadeed oo xasilooni leh, laguna xaqiijiyo Arimaha nabada Dadka deegaanka.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan oo ka duulayo Istiraa-tijiyadda nabadda ee qorshaha xafiiska Maamulka Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabelle ayaa odayaasha dhaqan-ka kula Dardaarmay xaqiijinta nabad-galyada deegaan ka Wadajirka Ummadda iyo nabad kuwada noolasho.

Ugu dambeeyn guddoomiyaha gobalka hiiraan ayaa Odayaasha hor dhigay in maamulka Gobalka Hiiraan aysan raali ka noqon karin colaad beeleed lagu Burburiyo nolasha aadanaha isagoo xusay in Alle Loo laabto lagana shaqeeyo nabada umaada.

Maamulka Gobolka Hiiraan waxaa ka go’an Xaqiijinta iyo xal ka gaarista dhibaatooyinka Bulshada aay qabaan si loo helo hirgelinta Sareeynta sharciga helida xasilooni iyo amni ay kuwada jiraan bulshooyinka gobalka hiiraan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.