Muqdisho (Raxanreeb) Degmada Walawayn ee Shabeellaha hoose waxa maanta lagu qabtay kulan laba geesood ah oo ay wada yeesheen maamulka degmada iyo Odayaasha dhaqanka.
Kulanka waxaa ka qayb galay oo kaalin ku lahaa Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Cali oo Odayaasha dhaqanka Degmada uga mahad celiyay doorkooda kaga aadan nabada deegaanka.
Waxaa kulanka guddoominayey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose #KGS, waxaana kasoo qeybgalay Wasiirka Amniga KGS, Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose, Guddoomiyaha Ururka Haweenka iyo Maamulka Degmada Wanla-Weyn.
Inta kulanka uu socday ayaa labada dhinac waa maamulka iyo Odayaasha dhaqanka isku afgarteen dhamaynta tabashooyin yar oo maamulkuna uu garowsaday wax ka qabashadooda.
“Waxaan anaga iyo odayaasha isku raacay in la dhameystiro xallinta caqabadaha yar yar ee ka jira Degmada Wanla-Weyn iyado kulanka uu ku soo dhammaaday Is afgarad ” sidaas waxa yiri Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose Ibraahim Aadan Najax
Kulankan ayaa qayb ka ah kulamo maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ka wada deegaano ka mid ah gobolkaas oo lagu dhameynayo tabashooyinka isla markaana diirada lagu saarayo wada shaqaynta bulshada iyo maamulka gobolka.
Leave a Reply