Macallin Mahdi oo sheegay in baaris lagu wado ciidamo rasaas ku furay dad dibadbaxayay

Macallin Mahdi oo sheegay in baaris lagu wado ciidamo rasaas ku furay dad dibadbaxayay

Muqdisho (Raxanreeb) — Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Banaadir Macallin Mahdi, ayaa sheegay in ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka ay xireen ciidamo loo haysto in ay rasaas ku fureen dibadbaxayaal shalay Axaddii, suuqa Siinaay ee magaalada Muqdisho.

Mahdi, ayaa sheegay in booliska ay oggolaan doonin in la dhibaateeyo dadka shacabka ah, sidaasi, darteed in loo gacan galiyay hay’adaha amniga ee baariska ku shaqada leh askarta loo gacan galiyay Maxkamadna lasoo taagi doono.

Macallin Mahdi, ayaa uga digay ciidamada in ay ku dhaqaaqaan wax ka baxsan howlaha loo igmaday ee amniga iyo in ay gacanta kusoo dhigaan dadka geeysta howlaha amniga liddiga ku ah.

“Cid weliba ee xabbad ka ridday Dadkii bannaanbaxayay ee cabashada muujinayay waala xiray, Kiiskaas Baaris ayaa loo diray, haddii alle idmo waxa aan rajayneynaa in Garsoorka & Maxkamaddu ku dhammaato” ayuu yiri Mahdi.

Sidoo kale digniin adag ayuu u diray dhammaan dibadbaxayaasha xirta waddooyinka muhiimka u ah, marinka, iyo kuwa guba Taayerrada, kuwaas oo xayiraad u geeysta bulshada isticmaaleysa waddadaasi.

Muqdisho, ayaa bilihii ugu danbeeyay waxa ka dhacaya falal amniga liddi ku ah, kuwaas oo au geeysanayeen ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo shalay ugu danbeeysay dil loo geeystay wiil dhallinyaro ah, kaas oo lagu dilay Siinaay, magaalada Muqdisho.