Macallin todobaad ka hor  lagu dilay MUQDISHO oo la aasay.

Macallin todobaad ka hor  lagu dilay MUQDISHO oo la aasay.

Muqdisho (Raxanreeb ) – Waxaa magaalada Muqdisho lagu aasay Alaha u naxariistee , Macallin Cabdiraxmaan Macaloow Abiikar oo uu dhowaan iskuulka Sidii ku dhex dilay arday hore oo iskuulkaas dhigan jiray.

Meydka macalinka oo loo raadinayay caddaalad ayaa isbuuc ka badan ku jiray filinjeer, waxa ayna eheladiisa horrey u sheegeen in meydka macalinka aan la aasi doonin ilaa laga soo qabto ninkii dilkiisa ka dambeeyay.

Ehellada marxuumka ayaa sheegay inay isku raaceen in maydka la aaso, kadibna halkeedii ay kasii socoto cadaalad u raadinta Macallin Cabdiraxmaan.

Macalin Cabdiraxmaan Maclow ayaa lagu dhax dilay iskuul uu macalin ka ahaa oo lagu magacaabo Siidii, waxaana toorey ku dilay arday horey uga baxay iskuulkaasi oo cabasho ka dhan ah macalinka u geysay gabar ardayad ah oo macalinka wax barayay.

Macalin Cabdiraxmana Macalow ayaana qoyskiisa maanta go’aansadeen in ay aasaan xilli uusan wali caddaalad helin uuna baxdad ku jiro ninkii dilay.

Dilka Macallin Cabdiraxmaan ayaa dhaliyay caro xoogan, maadaama lagu dhex dilay iskuulkii uu dhigayay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.