Jowhar (Raxanreeb ) Madaxwaynaha maamul goboleedka Hirshabeelle oo ka qayb galay munaasabada 1-da Luulyo oo lagu qabtay magaalada Jowhar ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee Hirshabeelle.
Cali Guudlaawe ayaa si gaar ah uga hadlay xaalada Beledwayne halkaas oo Cali Jayte oo xilka laga qaaday isku caleema saaray inuu yahay Madaxynaha maamul goboleed lagu magacaabo Hiiraan State.
Madaxwaynaha ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in haddii xilka la iska qaado la sameeyo waxyaabo badan oo aan dani ugu jirin ummadda Soomaaliyeed
Madaxweynaha ayaa xusay in HirShabelle aysan noqon karin maamul goboleedka kale, isla-markaana aysan aheyn xisbi la’isaga bixi karo marka loo baahdo.
Intaas waxa uu hadalkiisa ku daray in Hirshabeelle aysan u qabsami karin laba qaybood maamulkana uu yaha hal oo ah kan la isku raacsan yahay ee isaga hadda Madaxwaynaha ka yahay.
Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in maamulkiisa uu ku dadaali doono sidii looga gudbi lahaa in guddoomiyeyaasha maamullada degmooyinka lagu soo magacaabo digreeto.
Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo maamulka Hirshabeelle uu wajahayo xaalad adag oo xagga siyaasada ah .
Leave a Reply